This version of the page http://www.voasomali.com/a/al-shabab-arrest/3301205.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-07-02. The original page over time could change.
Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabab oo la Qabtay

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Soomaaliya

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabab oo la Qabtay


የአል-ሸባብ ታጣቂ

  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Xasan Maxamed oo ku magacdheer "Xasan Fanax" kana tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabab ee agagaarka Muqdisho ayaa lagu qabtay hawlgal dhacay xalay.

Hay'adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta xaqiijisay in hawlgal ka dhacay degaanka Kaxda ee duleedka Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab oo in muddo ah la doonayey.

NISA ayaa goor dhowayd ku sheegtay barteeda twitter-ka in ninkaasi oo lagu magacaabo Xasan Maxamed "Xasan Fanax" lagu qabtay hawlgalkaasi oo aan wax dhib ah ka soo gaadhin ciidankii fuliyey, sida ay hay'addu sheegtay.

Warar dhinaca amniga ah oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in ninkaasi ay horey u doonaysay hay'adda nabad sugidda, madaxiisana la dul-dhigay lacag dhan $2,000.

Ninkaasi ayaa NISA sheegtay inuu ku lug lahaa weerarro lagu qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dowladda Soomaalida gacan siiya.

Wariyeheenna Ibraahim Xasan Daandurey ayaa arintan ka wareystay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Back to top
XS
SM
MD
LG