Axad, Bisha Saddexaad 27, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 22:39
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Soomaaliya

    Ciidamada Australia oo Qabtay Doon Hub u Siday Somalia

    Hubkan ayaa isugu jira ku dhawaad laba kun oo qori oo nooca AK47 iyo boqol gantaalaha garbaha laga tuura ah, iyo noocyo kale.

    Hub

    Wararka Kale

    • Sugidda Amniga Muqdisho oo Laba loo Qeybiyey
    • Beledweyne: Qarax loo Adeegsaday Laptop
    • Jabuuti oo ku Dhowaaqday Mashruuc Gaas Dabiici Ah
    • Ciidamada Tunisia oo Dilay 21 Mintidiin ah
    • Qarax ka Dhacay Pakistan oo 13 Qof ay ku Dhinteen

    Ciidamada Badda ee Australia ayaa sheegay inay qabteen hub fara badan oo saarnaa doon kaluumeysi oo aan calan wadanin oo ku sii jeeday Somalia, xilli ay mareysay meel ku dhow xeebaha dalka Cumaan.

    War qoraal ah oo maanta oo Isniin ah ka soo baxay ciidamada badda ee Australia ayaa lagu sheegay in markabka ciidamada badda ee Australia ee qeybta ka ah ciidamada caalamiga ah ee gaaf wareegga biyaha badweynta India ay hubkaasi gacanta ku dhigeen.

    Hubkan ayaa sida qoraalka lagu sheegay isugu jira ku dhawaad laba kun oo qori oo nooca AK47 iyo boqol gantaalaha garbaha laga tuura ah , 49 qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM iyo rasaas ay hoobiyeyaal ku jiraan.

    Somalia waxaa saarnaa cunaqabateyn dhinaca hubka ah tan iyo sanadkii 1991-kii.

    Warbixinta Ciidamada badda ee Australia laguma sheegin cidda uu u socday hubkaas oo lagu soo dhex qariyay shabaagta kalluumeysiga.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00