Axad, Bisha Saddexaad 27, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 21:50
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Soomaaliya

    Dhimashada Qaraxyadii Baydhaba oo Gaartay 32

    Laba qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay bartmaha magaalada Baydhaba, waxaana sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab

    Wararka Kale

    • Baydhabo: Qaraxyo Ba'an oo dilay Ugu Yaraan 18
    • Jeddah: Qoys ku Dhintay Qiiq ku Baxay Gurigooda
    • Amniga Muqdisho oo lagu Wareejiyey Gobolka Banaadir
    • Wicitaanka: Aqoonyahan Aadan Makiina

    Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 32 qof ay ku geeriyoodeen weeraradii mataanaha ahaa ee Al-Shabaab ay ka fulisay magaalada Baydhaba.

    Booliiska iyo dowladda hoose ayaa sheegay in bartamaha magaalada Baydhaba oo 245 KM u jirta magaalada Muqdisho ay ahayd meel mashquul ah, markii qaraxa koowaad uu ka dhacay suuq ku yaalla.

    Qaraxa labaad oo la rumeysan yahay inuu fuliyey qof is-miidaamiyey, ayaa ka dhacay maqaayad, daqiiqado kadib.

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay 60 qof oo kale.

    Weeraradan Al-Shabaab ay axaddii ka fulisay Baydhaba ayaa yimid laba maalmood kadib markii laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay Muqdisho ay 25 qof ku dileen, islamarkaana 60 kale ku dhaawaceen.

    Al-Shabaab ay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda labada qarax.

    Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh

    Qaraxyo ka dhacay Baydhaba
    Qaraxyo ka dhacay Baydhabai
    ▶ || 0:00:00
    ... ⇱  
    • Ku dhageyso MP3 - 2.4MB
    • Ku dhageyso MP3 - 609.4kB
     
     
    X

     

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00