This version of the page http://www.voasomali.com/a/3658002.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2017-01-12. The original page over time could change.
Trump oo Ammaanay Vladimir Putin

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Maraykanka

Trump oo Ammaanay Vladimir Putin


Donald Trump

  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Share on WhatsApp
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Madaxweynaha la doortay ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin inaanu ka falcelinin tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweyne Obama ee ku aaddanaa cunaqabatayn uu ku soo rogay dalka Ruushka maalinimadii Khamiista.

Cunaqabataynadan ayaa Obama ku sababeeyey inay ahayd, farogelintii ay hay’adaha sirdoonka Ruushku ku sameeyeen doorashooyinkii Maraykanka ee sannadkan.

Madaxweyne Trump ayaa boggiisa Twitterka soo dhigay “Waxay ahay tallaabo wanaagsan dib u dhigistu” isaga oo sii raaciyey “weligay waan garanayey inuu Putin aad u caqli badan yahay”.

Putin ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ah u geysanayn Diplomaasiyiinta Maraykanka isla markaana aanay cidna eryayn.

Back to top
XS
SM
MD
LG