This version of the page http://www.voasomali.com/a/3150792.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-08-03. The original page over time could change.
Turkey: Qarax Dilay 3 Sarkaal Oo Booliis Ah

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Maraykanka

Turkey: Qarax Dilay 3 Sarkaal Oo Booliis Ah


Ciidamada Turkiga oo biyo xooggan ku kala ceyrinaya dibabaxayaal Kurdish ah.

  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Qaraxa oo ka dhacay Koonfurta Bari ee dalkaas ayaa saraakiisha amniga waxa ay ku eedeynayaan ururka Kurdish-ka ee PKK.

Saraakiil amni oo ku sugan Koonfurta Bari ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qarax bam oo waddada dhinaceeda ka dhacay uu dilay saddex sarkaal oo boolis ah, uuna dhaawacay afar kale.

Mas’uuliyiinta waxa ay sheegeen in weerarka uu goor dambe oo maalintii axadda ahayd ka dhacay magaalada Idil ee gobolka Sirnak ee ku dhow xuduudda Syria.

Ma jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Saraakiisha amniga waxa ay weerarka ku eedeynayaan xisbiga shaqaalaha Kurdish-ka ee sidoo kale loo yaqaan PKK.

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa howlgallo ka dhan ah xubnaha PKK ka wada koonfurta bari ee dalkaas, oo ay ku badan yihiin dadka Kurdish-ka ah.

Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa dhamaman u aqoonsan PKK inuu yahay urur argagixiso.

Dagaalka ka dhex oogan Turkiga iyo PKK ayaa waxaa ku geeriyooday 40,000 oo qof tan iyo sanadii 1984-kii.

La Xiriira

  • Shirkii Kismaayo Oo Lagu Soo Kala Tagey

  • Wicitaanka: Admiral Faarax Cumar (Qare)

  • Somaliland oo Qisaas ku Fulisay Saddex Qof

  • Ciidamada AMISOM Iyo SNA oo Ku Jeeda Ceel Cadde

Back to top
XS
SM
MD
LG