This version of the page http://www.voasomali.com/a/3381857.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-07-11. The original page over time could change.
Belguim: 12 Loo Qabtay Falal Argagixiso

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Caalamka

Belguim: 12 Loo Qabtay Falal Argagixiso


  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir
Ciidamada Booliska ee dalka Belgium ayaa xidhay 12 qof oo loo tuhmayo falal argagixiso, ka dib markii ciidamada ammaanku ay hawlgallo kala duwan ka sameeyeen tobanaan guri oo ku yaalla daafaha dalkaas.

Hawlgalkan ayaa socday habeenimadii Jimcaha illa saaka sabtidii, sida laga soo xigtay xafiiska xeer ilaalinta ee dalkaas.

Warka ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in boolisku ay baadhitaan ka sameeyeen guryo ku kala yaalla illaa 16 xaafadood oo badankoodu ku yaalla ama ku hareeraysan caasimadda dalkaas ee Brussels, waxaana guryahaas laga soo xidhay illaa 40 qof oo waraysiyo kala duwan lala yeeshay.

Dadkaas illaa 12 ka mida ayaa rasmiyan loo xidhay.

Back to top
XS
SM
MD
LG