This version of the page http://www.voasomali.com/a/3321703.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-07-02. The original page over time could change.
Dowladda Somalia Oo Baareysa Eedeymo

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Soomaaliya

Dowladda Somalia Oo Baareysa Eedeymo


Ra'iisul wasaare Cumar

  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo eegaya eedeymo loo jeediyey hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo eegaya eedeymo loo jeediyey hay’adaha amniga Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban:

1 – Wasiirka Caddaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac

2 – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

3 – Wasiirka Amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed

4 – Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa eegi doona eedeymaha ka dhanka ah Hay’adaha amniga oo ah in caruurta kasoo goosata kooxda Al-Shabaab ay u adeegsadaan howlaha jaajuusnimada, sida ay qoreen waarbaahinta qaar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay nabad-galyo iyo dhaqan celin siiso caruurta kasoo goosata Al-Shabaab, sidaa darteedna ay beenineyso eedeymahan.

La Xiriira

  • Muqdisho: 6 Qof Oo Ku Geeriyooday Weerar

  • Maxaa Keenya In Dib Loogu Noqdo 4.5?

  • Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyey Qalab

  • David Cameroon Oo U Digay Shacabka UK

  • Wicitaanka: Dr. C/qaadir Cabdiraxman Xaaji

Back to top
XS
SM
MD
LG