This version of the page http://www.voasomali.com/a/3304638.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-07-02. The original page over time could change.
Ciidamada Iraq Oo Dib U Weeraray Mosul

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Caalamka

Ciidamada Iraq Oo Dib U Weeraray Mosul


Ciidamada Iraq

  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Ciidamada Iraq ayaa maanta dib usoo cusbooneysiiyey weerarada ay ku hayaan magaalada kooxda Daacish ay ku xooggan yihiin ee Mosul.

Ciidamada Iraq ayaa maanta dib usoo cusbooneysiiyey weerarada ay ku hayaan magaalada kooxda Daacish ay ku xooggan yihiin ee Mosul, ayaga oo galay xaafado ku yaalla koonfurta bari ee magaalada.

Ciidamada Iraq ayaa waxaa caawinaya diyaaradaha dagaalka isbaheysiga oo duqeymo xooggan ka wada magaalada.

Weerarkan ayaa hakad ku jiray muddo toddobaadyo ah, kadib markii ciidamada Ciraq ay iska cabin xooggan la kulmeen, taasi oo ka dambeysay markii ay qabsadeen kaliya saddex ka mid ah sideed xaafad oo qorshahoodu ahaa inay la wareegaan.

Dad kasoo qaxaya xaafadahaas ayaa sheegay in dagaalyahanada Daacish ay xaafadaha ka sameysteen waddooyin dhulka hoostiisa mara, oo ay isku qariyaan kadibna xilliga habeenkii ay kasoo wareeraan ciidamada Ciraq.

Weerarka maanta ayaa billowday aroortii, waxaana ciidamada Ciraq ay duhurnimadii ku siqeen xaafadda Mahana.

La Xiriira

  • Trump Iyo Clinton Oo Guulo Weyn Gaaray

  • Muqdisho: Xildhibaan Ka Badbaaday Dil

  • Ciidamada Dowladda Oo 8 Askari Laga Dilay

  • Dagaallada Xadka Soomaliya Iyo Ethiopia

  • Senatoro: Kaalmada Israel Ha La Kordhiyo

Back to top
XS
SM
MD
LG