This version of the page http://www.voasomali.com/a/3310395.html (0.0.0.0) stored by archive.org.ua. It represents a snapshot of the page as of 2016-06-23. The original page over time could change.
Baqdaad oo Lagu Soo Rogay Xaalad Degdega

Isku xirrada

  • U gudub Mawduuca
  • U gudub Navigation-ka
  • U gudub Raadinta
  • Learning English
Luqadaha
Caalamka

Baqdaad oo Lagu Soo Rogay Xaalad Degdega


  • La wadaag Facebook
  • La wadaag Twitter
  • Saaxiib Email Ahaan Ugu Dir

Magaalada Baqdaad ee caasimadda u ah dalka Ciraaq ayaa ku jirta xiisad siyaasadeed, waxaana magaalada lagu soo rogay xaalad degdeg ah, xilli ay qaybo ka mida waddooyinka magaalada buux dhaafiyeen mudaharaadayaal, waxaana xaruntii baarlamaanka isaga tegey qaar ka mida sharci-dejiyayaasha iyada oo Milateriguna uu ku sugan yahay feejignaan aad u sarraysa.

Subaxnimadii saaka, waxaa bilawday isu-soo baxyo uu horkacayo wadaadka Shiiciga ah ee Moqtada al-Sadr, iyada oo dadka mudaharaadayey ay buux dhaafiyeen waddooyinka hareer mara golaha baarlamaanka oo haatan madhan.

Xildhibaannada ayaa shalay iskaga cararay xarunta baarlamaanka ka dib markii ay gudaha u galeen dad cadhaysani, illaa 60 xildhibaan oo ka soo jeeda xubnaha laga tirada badan yahay ee Sunniga iyo Kurdiyiinta ayaa ka baxay caasimadda iyaga oo gabbaad ka raadsaday magaalooyinka Irbil iyo Suleymania oo ku yaalla is-maamulka Kurdiyiinta.

Mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka Ciraaq ayaa VOA u sheegay in xaaladdu ay halis tahay iyada oo la garaacay qaar ka mida xildhibaannada.

Back to top
XS
SM
MD
LG