Talaado, Bisha Shanaad 03, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 11:05
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Caalamka

    Macedonia: Booliska Iyo Muhaajiriin Isku Dhacay

    Warbixino ayaa sheegaya in qiyaatsii 30 qof ay isku dayeen inay maanta dalkaas uga soo gudbaan dalka Greece, gaar ahaan xaafadda Idomeni.

    Wararka Kale

    • Dad Weeraradii Paris loo Xiray oo La Daayey
    • Ciidamada Col. Barre oo la Geeyey Kismaayo
    • Maraykanka oo Duqaymo Cusub ka Gaystay Koonfurta Soomaaliya
    • Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Madasha
    •  Nairobi: LIbaax Kale Oo Ka Baxsaday Xero

    Booliiska dalka Macedonia ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bam gacmeedyada dadka ka nixiya kutuuray muhaajiriin isku dayayey inay kasoo boodaan xeendaabka xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Greece.

    Warbixino ayaa sheegaya in qiyaatsii 30 qof ay isku dayeen inay maanta dalkaas uga soo gudbaan dalka Greece, gaar ahaan xaafadda Idomeni ee ku taalla xadka Greece.

    Dhacdadan ayaa imaneysa kadib markii sidoo kale isku dhacyo noocan ah ay axaddii dhex mareen booliiska iyo muhaajiriin, kuwaasi oo tobaneeyo qof ay ku dhaawacmeen.

    Rabshadihii dhacay axadaddii ayaa loo sababeeyey kadib markii qof uu baahiyey war been ah oo ku saabsanaa in xuduudda la furay.

    Mas’uuliyiinta dalka Greece ayaa Macedonia ku eedeeyey inay ka badbadiyeen xaaladda, waxayna shegeen inay baarayaan sida ay arrintan ku timid.

    Qubanaha VOA

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00