Talaado, Bisha Shanaad 03, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 11:05
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Soomaaliya

    Ciidamada Col. Barre oo la Geeyey Kismaayo

    Wararka ka imanaya magaalada KIsmaayo ayaa sheegaya in ciidan gaaraya 50 askari oo raacsanaa Col. Barre Hiiraale la geeyey Kismaayo.

    Ciidanka Ethiopia

    Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidan gaaraya 50 askari oo hubeysan, kuwaas oo raacsanaa Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) maanta lagu wareejiyey ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Ethiopia.

    Ciidankan ayaa ku sugnaa deegaanka Sabca Ashraaf ee gobolka Jubadda Hoose.

    Wareejinta maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa qeyb ka ahayd heshiis dhawaan laga gaaray muranka Jubbooyinka oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

    Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA-da ee Jubbooyinka oo goobta wareejinta ku sugnaa, waxa muran uu ka dhashay cidda lagu wareejinayao iyo waxa laga yeelayo maleeshiyadan 50-ka gaaraya. 

    Muranka ayaa u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ee AMISOM ka wada tirsan, iyada oo ugu dambeyntiina kuwa Ethiopia lagu wareejiyey.

    Qubanaha VOA

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00