Talaado, Bisha Shanaad 03, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 12:03
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Maraykanka

    USA: Dad Badan Oo U Codeyn lahaa Sanders

    Bernie Sanders ayaa ah ninka dadka ugu badan ee Mareykanka ay u codeyn lahaayeen doorashada madaxweynaha, in ka badan dhammaan musharaxiinta kale.

    Bernie Sanders

    Wararka Kale

    • Muqdisho: 5 Qof oo Ku Dhintay Qarax Baabuur
    • Xasan Xanafi oo Dil Toosgaho lagu Fuliyey
    • Xisbiga Kulmiye Oo Cayriyey Xubno Sare
    • Mucaradka Djibouti oo Diiday Natiijada Doorashada
    • Shirka Madasha oo Muqdisho ka Furmay

    Bernie Sanders ayaa ah ninka dadka ugu badan ee Mareykanka ay u codeyn lahaayeen doorashada madaxweynaha ee bisha November, in ka badan dhammaan musharaxiinta kale, sida ay muujisay daarasad cusub.

    Daraasad ay sameeyeen AP-GfK oo lagu ra’yi uruuriyey 1076 qof, ayaa muujisay in 21 boqolkiiba dadka Mareykanka ay u codeyn lahaayeen Sanders, halka 41 boqolkiiba dadku ay sheegeen inay ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

    Hillary Clinton oo dhinaca xisbiga dimoqraadiga kula loolameysa Sanders ayaa kaalinta labaad ku jirta, ayada 50 boqolkiiba dadka Mareykanka ay u codeyn lahaayeen ama ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

    Ted Cruz iyo John Kasich oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa iyaguna 43 boqlkiiba dadka Mareykanka ay sheegeen ay u codeyn lahaayeen ama ka fakari lahaayeen inay u codeeyaan.

    Donald Trump oo hoggaaminaya dhinaca xisbiga dimoqraadiga ayaa kaalinta ugu hooseysa ka galay ra’yi uruurintan oo 35 boqolkiiba kaliya dadka Mareykanka ay taageero u muujiyeen.

    63 boqolkiiba dadka Mareykanka ayaa sheegay inaysan marnaba u codeyn lahayn Donald Trump.

    Qubanaha VOA

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00