Talaado, Bisha Shanaad 03, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 11:43
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Caalamka

    Mucaaradka Syria oo ku Hanjabay Aargudasho

    Mucaaradka ayaa sheegay in ciidamo taageera dowladda ay xadgudub ku sameeyeen heshiiskii xabad joojinta ee dalkaas ka jiray tan iyo bishii Febraayo.

    Dagaalyahan ka tiran mucaaradka

    Wararka Kale

    • Wada-hadallada Yemen Oo Ka Furmaya Kuwait
    • Khasaaraha Dhulgariika Ecuador oo Korortay
    • Shabakadda Cusub ee Ganacsiga Internetka
    • Aqoonyahan Soomaali ah oo ku Kulmay Harvard

    Isbaheysiga kooxaha mucaaradka Syria ayaa ku hanjabay inay qaadayaan dagaal ay kaga jawaabayaan xadgudubyo ay ciidamo taageera dowladda ku sameeyeen heshiiskii xabad joojinta ee dalkaas ka jiray tan iyo bishii Febraayo.

    Xabad joojinta ayaa si aad ah u yareysay rabshadihii ka jiray dalkaas, oo boqolaal kun oo qof ay ku geeriyoodeen, malaayiinna ay ku barakaceen, kuwaas oo socday in ka abdan shan sano.

    Hase yeeshee labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya xadgudubyo soo noqnoqday oo lagu sameeyey xabad joojinta labadii bil ee tagay, islamarkaana mucaaradka oo ay ku jirto kooxda Ciidamada Xoreynta Syria ayaa ballan-qaaday aargudasho.

    Rabshadaha ayaa sare uga kacay woqooyiga Syria, gaar ahaan magaalada Aleppo, labadii toddobaad ee tagay.

    QM oo isku dayeysa inay sii adkeyso xabad joojinta ayaa toddobaadkii tagay wada-hadallo aan toos ahayn la billowday dhinacyada dalkaas isku haya.

    Qubanaha VOA

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00