Arbaco, Bisha Afraad 06, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 20:18
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Maraykanka

    Trump iyo Clinton oo ku Guuleystay Arizona

    Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku guuleystay doorashadii gobolka Arizona, halka Sanders uu ku guuleystay Utah iyo Idaho, Cruz-na Utah.

    Wararka Kale

    • Qaraxyo ka Dhacay Brussels oo Dilay 30 Qof
    • Obama oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Cuba
    • Puntland: 167 Shabaab ah Ayaan Dilnay
    • J/Hoose: 20 Qof oo U Geeriyooday Shuban Biyood
    • Baaq laga soo Saaray Abaarta Soomaaliya

    Musharaxiinta horkacaya doorashada xisbiyada dimoqraadiga iyo Jamhuuriga iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa kala qeybsaday guulaha illaa saddex gobol oo xalay lagu tartamay.

    Donald Trump oo ugu horreeya dhinaca Jamhuuriga ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Arizona, isaga oo hantay dhammaan 58 wufuud kadib markii uu in ka badan 20 dhibcood kaga adkaaday Ted Cruz oo kaalinta labaad galay.

    Cruz ayaa isna si awood badan ugu guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Utah, isaga oo helay ku dhowaad 70% codadka, wuxuuna hantiyey dhammaan 40-kii wufuud ee gobolka.

    Dhinaca dimoqraadigana Bernie Sanders ayaa ku guuleystay gobollada Utah iyo Idaho, isaga oo helay in ka badan 70% codadkii la tirayey.

    Hillary Clinton oo horkaceysa dhinaca dimoqraadiga, ayaa ku guuleysatay gobolka Arizona.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00