Arbaco, Bisha Afraad 06, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 20:32
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Caalamka

    Korea-da Woqooyi oo Gantaalo kale Ridday

    Saraakiisha dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in gantaalada maanta oo Isniin ah laga soo riday magaalada Hamhung.

    Nin taleefishinka ka daawanaya gantaalada ay ridday Korea-da Woqooyi

    Wararka Kale

    • Al-Shabab oo Weeraray Saldhigga Laanta Buur
    • Obama oo Booqanaya Dalka Cuba
    • Kenya oo Sheegtay inay Dishay 34 Al-Shabab ah
    • Obama oo Maanta dalka Cuba Booqanaya
    • Belgium: Salah Abduslam oo Su'aalo la Weydiinayo

    Korea-da Woqooyi ayaa dhowr gantaalada riddada gaaban ah ku ridday xeebta bari ee dalkaas.

    Saraakiisha dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in gantaalada maanta oo Isniin ah laga soo riday magaalada Hamhung.

    Saraakiishu ma aysan sheegin noocan ay ahaayeen gantaaladan.
     
    Toddobaadkii tagay, ayaa saraakiisha Korea-da Koonfureed waxa ay sheegeen in Korea-da Woqooyi ay gantaalada riddada dhexe ku ridday badda, ayada oo iska indha tireysa cunaqabateynta QM.

    Korea-da Woqooyi ayaa muddo toddobaadyo ah ku hajabeysay inay weerar hub nuclear ah oo ay isku difaaceyso ku qaadi doonto Seoul iyo Washington, ayada oo kaga jawaabeysay carbiska miltariga Mareykanka iyo Konorea-da Koonfureed ay samaynayaan.

    Korea-da Woqooyi ayaa carbiskaas milatari u aragta mid loogu diyaar garoobayo weerar lagu soo qaado.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00