Arbaco, Bisha Afraad 06, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 20:29
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Caalamka

    Belgium: Salah Abduslam oo Su'aalo la Weydiinayo

    x
    Dacwad Ooge Faransiis ah ayaa sheegay in qofka shakiga ugu wayn looga qabo in uu ka dambeeyay  weerarradii argagixiso ee bishii November lagu dilay dadka ay tiradoodu dhameyd 130-ka qof ee ka dhacay magaalada Paris uu damacsanaa inuu isku qarxiyo banaanka garoon ay ka dhaceysay cayaar kubadda cagta ah, laakiin uu is beddelay.

    Salah Abduslam ayaa laga soo saaray cisbitaal ku yaala magaalada Brussels waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga maalintii sabtida ee shalay, maalin ka dib markii isaga iyo qof looga shaki qabo inuu ku gacansiiyay falkii foosha xumaa ee uu ku kacay la  rasaaseeyay intii uu socday weerar uu boolisku qaaday kaasoo labadoodaba lagu soo qabtay.

    Dacwad oogaha Faransiiska ah oo la yiraahdo Francios Molins ayaa sheegaya in hadalka Abduslam ee ku saabsan inuu ka laabtay doonistisii ahayd inuu isku qarxiyo garoonka ay tahay in si feejigan loo eego. Waxa uu sheegay in Abduslam lagu arkay qayb ka mid ah Paris  oo aan habeenkaas la weerarin.
    Qareenka u doodaya Abduslam oo la yiraahdo Sven Mary, ayaa sheegaya in Abduslam uu la shaqeynayo booliska Belgian, laakiin uu ka dagaalami doono in loo gacan galiyo Faransiiska

    Hay’adda booliska ee caalamaiga ah ee Interpol, ayaa ku boorrineysa dowladaha inay taxaddar dheeraad ah ka galaan xuduudahooda, iyadoo sheegeysa in dadka la shaqeeya Abduslam laga yaabo in ay isku dayaan in ay soo cararaan Yurub.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00