Arbaco, Bisha Afraad 06, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 21:07
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Maraykanka

    Obama oo Garland u Magacaabay Maxkamada Sare

    Merrick Garland oo ah 63 jir loo arko inuu yahay dhex dhexaad ayaa iminka ah xaakimka ugu sarreeya maxkamadda racfaanka ee degmada Washington DC.

    Madaxweyne Obama (Bidix) iyo Merrick Garland (Midig)

    Wararka Kale

    • Dagaal ka Dhex Qarxay Ciidamada Puntland iyo Al-Shabab
    • Lix Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Afmadow
    • Afar Qof oo Abaar ugu Geeriyooday Awdal
    • Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 309
    • Clinton iyo Trump oo Guulo Weyn Gaaray
    • Nigeria: Qarax Masjid oo Lagu Dilay 22 Qof

    Madaxweyne Barack Obama ayaa xaakim ka tirsan maxkamadda racfaanka federaalka Mareykanka oo lagu magacaabo Merrick Garland u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka, isaga oo beddelaya Antonin Scalia oo geeriyooday bishii tagtay.

    Isaga oo dhawaqan ka sameynaya beerta Rose ee aqalka cad, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Garland uu yahay “mid ka mid ah dadka ugu maskaxda fiican dhinaca sharciga”.

    Obama waxa uu xusay in Garland uu ammaan buuxda ka helay intii uu xaakimka ahaa dhinacyada kala duwan ee Mareykanka.

    Garland oo ah 63 jir loo arko inuu yahay dhex dhexaad ayaa iminka ah xaakimka ugu sarreeya maxkamadda racfaanka ee degmada Washington DC.

    7 ka mid ah xubnaha aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyey markii maxkamadda Washington DC loo magacaabay sanaddii 1997-kii, hase yeeshee Senate-ka oo iminka ay maamulaan xubnaha jamhuuriga, waxa ay sheegeyn inaysan xitaa cod u qaadi doonin.

    Waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha beddelaya Obama uu soo magacaabo qofka beddelaya Antonin Scalia.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00