Isniin, Bisha Saddexaad 28, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 06:46
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Maraykanka

    Donald Trump oo ku Guuleystay Doorashadii Nevada

    Donald Trump iyo wiilashiisa

    Wararka Kale

    • Erdoğan: Waan Sii Wadeynaa Taageerada Soomaaliya
    • Shir ku Saabsan Soomaaliya oo Ka Furmay Istanbul
    • Dowladda Soomaaliya oo Qabatay Sarkaal Shabaab ah
    • Faarax Macalin oo ka Hadlay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya

    Maal-qabeenka Donald Trump ayaa ku guuleystay gobol kale, isaga oo isku dyaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.

    Trump ayaa guul weyn xalay ka gaaray doorashadii ka dhacday gobolka galbeedka ku yaalla Nevada.

    Natiijooyinkii ugu dambeeyey ee doorashada ayaa muujinaya in Trump uu helay 46% codadka, isaga oo si aad ah uga hormaray musharaxa kaalinta labaad galay ee Marco Rubio oo helay kaliya 24% codadka.

    Senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz ayaa kaalinta saddexaad ku galay 21% codadka.

    Guusha Trump waa tii saddexaad oo xiriir ah, kadib markii uu horey ugu guuleystay doorashooyinkii ka dhacay gobollada New Hampshire iyo South Carolina, isaga oo sidoo kale kaalinta labaad ka galay doorashadii Iowa.

    Guushan ayaa Trump siineysa dar-dar uu ku galo doorashada taladaado soo socota ka dhaceysa gobollo badan oo loo yaqaan Super Tuesday.
     

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00