Axad, Bisha Saddexaad 27, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 20:30
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Soomaaliya

    Mareykanka oo Sheegtay Weerarkii Awdheegle

    Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

    Qaar ka mid ah ciidamada (Sawir hore)

    Wararka Kale

    • Mareykanka: Wiilal Soomaali ah oo Xabsi Laga sii Daayey
    • Afar Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho
    • Ciidamada Koonfur Galbeed oo Qarax Lala Beegsaday
    • Maraykanka oo Weeraray Awdheegle
    • Kismaayo: 4 Qof oo Ku Dhaawacmay Hoobiyeyaal
    • Barnaamijka Dhaqanka Iyo Hiddaha, Qeybta 308
    • Sanders iyo Trump oo ku Guulesytay Michigan

    Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo xalay dhacay uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.
     
    Hase yeeshee saraakiisha Maraykanku waxay beeniyeen inay la kulmeen wax dagaal ah weerarkaasi intii uu socday.

    Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in inkastoo la adeegsaday helikobatarrada Maraykanka haddana inaysan ciidankoodu aysan wada gaadhin meesha bartilmaameedkoodu ahaa.

    Waxay saraakiiisha Maraykanku sheegeen in hawlgalku uu ahaa mid ay leeyihiin ciidamada Soomaalida doorkooduna uu ku ekaa mid talosiin ah.

    "Waxaa wadnaa hawlgal aan ku taageerayno sida aad la socoto AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab. Waxaa Soomaaliya naga jooga ciidan tiro yar oo shaqadaas qabta, waxaana hawshaas ka mid ah in mararka qaarkood la wada sameeyo hawlgallo taas kaabaya," sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha Pentagon-ka.

    Maxamed Aweys Abuukar oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Awdheegle ayaa sheegay in diyaarado qumaatiga ukaca ay qiyaastii 60 illaa 70 askar ay ku daadayeen deegaanka.

    Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay weeraren saddex saldhig oo ku yaalla magaalada, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen mintidiinta.

    Al-Shabaab ayaa sheegtay in hal dagaalyahan looga dilay weerarka, balse ay iska caabiyeen oo ay fashiliyeen.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00