Axad, Bisha Saddexaad 27, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 22:17
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

    War / Caalamka

    Qarax ka Dhacay Pakistan oo 13 Qof ay ku Dhinteen

    Afhayeen u hadlay kooxda Jamatul Ahrar oo qeyb ka ah garabka Taliban ee dalka Pakistan, ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa.

    Askari ag taagan meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

    Wararka Kale

    • Maxamed Siciid Atam oo Magangelyo ka Helay Qatar
    • Nancy Reagan oo Geeriyootay
    • Hiiraan: Duqeyn ka Dhacday Xero Al-shabab ku Sugnaa

    Qof is-miidaamiye ah ayaa isku qarxiyey meel dibedda ka ah maxkamad ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, isaga oo dilay ugu yaraan 13 qof, islamarkaana dhaawacay 36 qof oo kale.

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in xubno booliis ah, haween iyo caruur ay ku jiraan dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Shabqadar.

    Tariq Hassan oo ka tirsan booliiska magaalada, ayaa weriyayaasha u sheegay in ilaalo ka tirsan booliiska ay aqoonsadeen islamarkaana joojiyeen ninka iska qarxiyey, hase yeeshee markii ay isku dayeen inay qabtaan uu is-qaxriyey.

    Qaraxan aadka u weynaa ayaa sababay waxyeello xooggan, islamarkaana burburiyey baabuur ka ag dhowaa dhismaha maxkamadda.

    Afhayeen u hadlay kooxda Jamatul Ahrar oo qeyb ka ah garabka Taliban ee dalka Pakistan, taasi oo dagaal kula jirta dowladda, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa.

    Bayaan kasoo baxay kooxdan, ayaa lagu sheegay in weerarka loogu aargudayey daldalaadda Mumtaz Qadri, oo ahaa ilaalo ka tirsanaa booliiska, kaasi oo dilay gudodomiyihii gobolka ugu dadka badan Pakistan ee Punjab.

    Dhageyso: Idaacadda Subaxnimo 6:30

    Dhageyso: Idaacadda Duhurnimo 1:30 

    Dhageyso: Idaacadda Galabnimo 4:00

    Dhageyso: Idaacadda Fiidnimo  7:00

    Dhageyso: Idaacadda Habeennimo 8:00