Thursday, September 25, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 18:40
Dhageyso
Daawo
 Toos u Dhageyso
 Idaacadda Subaxnimo
 Idaacadda Galabnimo
 Idaacadda Fiidnimo
Barnaamijyada
Podcast

 Qubanaha VOA
Bogga Sawirrada
 YouTube

War / Maraykanka

Mareykanka: Waan Baareynaa Dilka Wariye Foley

x

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii uu u xaqiijin lahaa dhab ahaanshaha muuqaal fidiyow  oo muujinayay dilka wariye sawir qaade ah oo u dhashay Mareykanka oo ay kudha ka jarayaan mintidiinta dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ee ISIS.

Kooxdan ayaa sii daayay muuqaalkan Fidiyow Talaadadii shalay, kaasoo ay ku muujinayeenqof ay ku sheegeen wariye James Foley madaxa laga gooynayo, iyagoo sheegay in dilkiisa ay fariin u tahay Mareykanka, oo ay uga digayaan inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Aqalkca Cad ayaa sheegay in hadii muuqaalkaasi uu dhab yahay ay aad uga xunyihiin dilka waxashnimada ah ee loo geystay wariyehaasi Mareykanka ah ee aan waxba galabsan.

Wariyahan ayaa la waayay isagoo ka soo waramayay colaadda Syria bishii November sanadkii 2012kii.

Mintidiinta aysisi ayaa sidoo kale ku sheegtay Fidiyowga inay hayaan wariye kale oo u dhashay Mareykanka Steven Sotloff  oo isna lagu waayay Syria bishii July sanadkii 2013ka, waxeyna ku goodiyeen in noloshiisa ay ku xirantahay talaabada xigta ee uu qaado Madaxweyne Obama.

 

 

Qubanaha VOA, Sept 25, 2014

Idaacadda Subaxnimo  MP3
Idaacadda Galabnimo   MP3
Idaacadda Fiidnimo (7) MP3
Toos u Dhageyso​